1
2BAAQA CAALAMIGA EE XUQ WQDA AADANAHA
3Hordhac
4
5Iyadoo aqoonsiga sharafta uu ku dhashay iyo xuquuqda maguurtada ah ee ay u siman-yihiin dadweynaha adduunku uu yahay saldhigga xorriyada, caddaaladda iyo nabadda dunida.
6
7Iyadoo aqoonsi la'aanta iyo ku tumashada xuquuqda aadanuhu ay ka dhasheen falal waxashtinimo ah oo shucuurta aadanuhu ka danqato iyo iyadoo gaaritaanka duni aadanaha ku nooli haystaan xornimo ay ku cabbiraan fikradahooda iyo waxay aaminsan yihiin iyo iyagoon qabin cabsi iyo baahi, laguna dhawaaqay inay tahay ujeedada ugu weyn ee uu dadku leeyahay.
8
9Iyadoo ay tahay lagama maarmaan in xuquuqda aadanuhu ay noqdaan kuwo sharcigu dhowro, si uusan qofku, ugu dambeynta, ugu baahan inuu xoog kaga soo horjeesto cadaadiska.
10
11Iyadoo ay tahay lagama maarmaan in sare loo qaado horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Dowladaha.
12
13Iyadoo dadyowga dunidu ay ku caddeeyeen mar kale Dastuurka Qaramada Midoobay sida ay u aaminsan yihiin sharafta iyo qiimaha qofka aadamiga ah iyo sinnaata xuquuqda ragga iyo dumarka iyagoo goostay inay hore u mariyaan bulshada heerka, noloshoodane la wanaajiyo iyagoo ku nool xornimo ballaaran.
14
15Iyadoo Dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay dhexdooda iska ballan qaadeen iyagoo la kaashanaya Hayadaha caalamiga ah sare u qaadidda dhowritaanka iyo xushmaynta xuquuda aadanaha iyo xorriyadda aasaasiga ah.
16
17Iyaadoo helitoanka aragti midaysan ee la xiriirta xuquuqdan iyo xorriyaadkan ay tahay arrin qiima weyn ku fadhisa si loo fuliyo ballan qaadkan.
18
19Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay wuxuu soo saarayaa Baaqan oo saldhig u ah dadyowga dunida ku nool dhammaantood sidii qof waliba ama xubin kasta oo ka mid ah bulshada, isagoo maskaxda ku haya Baaqan, ugu dadaali lahaa sare u qaadidda dhowritanka xuquuqdan iyo xorriyaadkan, isagoo u mareya waxbarasho iyo barbaarin, talaabooyin xiriir ah qaadaya xagga dibadda iyo gudahaba sidii loo xaqiijin lahaa in si dhab ah loo aqoonsado ha ahaato dadweynaha ku dhex nool Dawladaha xubinta ka ah Qaramada Midoobay ama dadyowga ku nool dhulalka xukonkooda hoos yimaado.
20Qod I
21
22Aadanaha dhammaantiis wuxuu dhashaa isagoo xor ah kana siman xagga sharafta iyo xuquuqada Waxaa Alle (Ilaah) siiyay aqoon iyo wacyi, waana in qof la arkaa qofka kale ula dhaqmaa si walaaltinimo ah.
23Qod II
24
25Qof kastaa wuxuu leeyahay xuquuqda lagu tilmaamay Baaqan iyada oo aan loo kale soocin xag qabiil, midabka, dheddig ama lab, afka, diinta, siyaasadda ama fikrad kale, dhalasho ama meesha uu ka soo askumay, xoolaha, dhalasho ama xaalada kale. Waxaa kale oo aan lagu samayneyn kala soocid ku salaysan arrimaha siyaasadeed, xukun ama xaal caalami ee uu ku suganyahay, dhulka ama dalka uu qofka u dhashay, ha ahaado dalkaasi mid madax bannaan, mid weli dawlad kale maamusho (wisaaya) mid aan haysan xukun hoosaad ama aan haysan gobanima buuxda.
26Qod III
27
28Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol, xorriyo iyo nabad gelyo.
29Qod IV
30
31Ma jiro qof loo hoysan karo addoon, addoonsiga iyo ka ganacsiga addoonta way reebanyihiin cayn kasta ay ku yimaadaan.
32Qod V
33
34Ma jiro qof loo geysan karo silic dilyo ama ciqaab ka baxsan aadaninimada.
35Qod VI
36
37Qof kastaa wuxuu xaq u laayahay in loo aqoonsado, meel kasta oo uu Joogo, qofnimadiisa.
38Qod VII
39
40Dadka oo dhammi way u simanyihiin sharciga waxayna xaq u leeyihiin, iyaga oo aan la kala soocin, in sharcigu dhowro. Dadka oo dhammi waxay xaq u leeyihiin in si siman looga badbaadiyo wax alla wixii kala sooc-sooc ah oo ka soo horjeeda Baaqan ama dhiirigelni kara kala sooc-soocid.
41Qod VIII
42
43Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu helo Maxkamadaha ku hawsha leh ee dalkiisa cawin celin dhab ah marka lagu xad-gudbo xuquuqda asaasiga ah oo uu dastuurka ama sharciga siiyay.
44Qod IX
45
46Qofna looma xiri karo, looma hayn karo, ama looma masaafurin karo si sharci darro ah.
47Qod X
48
49Qof Kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo sinnaan buuxda Maxkamad Caadil ah horteed marka la gaynayo xuquuqdiisa iyo waajibaadkiisa iyo marka ay dhacdo in loo haysto dacwo ciqaab ah.
50Qod XI
51
521. Qof kasta oo lagu soo oogay dacwo ciqaab ah wuxuu xaq u leeyahay in loo ictiqaado inuu yahay dembi laawe ilaa laga caddeeyo inuu yahay dembiile sida uu qabo sharcigu, ayna ku dhawaaqdo Maxkamad dadka u furun oo eedeysanayaasha loo oggolaaday dammaanadaha lagama maarmaanka u ah difaacooda.
53
542. Qofna lama saari karo ciqaab ka dhalatay fal ama fal l'aan haddii falkaasi ama fal la'aantaasi xagga sharciga Dalka ama kan Caalamiga ah, aanay ahayn dembi waqtiga la galay. Sidoo kale dembilaha lama saari karo ciqaab ka adag tii u degsanayd falka dembigaas markii la galay.
55Qod XII
56
57Qofna si sharci darro ah looma faragelin karo arrimihiisa u gaarka ah, qoyskiisa, gurigiisa ama warqadihiisa; sidoo kale lama dhaawici karo sharaftiisa ama sumcaddiisa. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu sharciga ka hoos galo fara gelintaas iyo dhaawicidaas.
58Qod XIII
59
601. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu si xornimaa ugu dhex socdo una dego gudaha dal kasta.
61
622. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ka dhoofo dal kasta oo uu ku jiro kiisa, kuna soo laabto.
63Qod XIV
64
651. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu dal kale u raadsado kana helo magan gelyo siyaasadeed isagoo ka baxsanayo cadaadis.
66
672. Xaqa kor ku xusan laguma doodi karo haddii cadaadisku yahay mid dhab ahaan ka dhashay dembi aan siyaaso la xiriirin ama falal ka soo horjeeda ulajeedooyinka iyo mabaadiida Qaramada Midoobay.
68Qod XV
69
701. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay Jinsiyad.
71
722. Qofna si sharci darro ah loogama qaadi karo Jinsiyadiisa, loomana diidi karo xaqa ah inuu Jinsiyadiisa beddesho.
73Qod XVI
74
751. Ragga iyo dumarka qaan gaarka ah, iyaga oo aan loo kala soocin xagga dhalashada, qowmiyada ama diinta, waxay xaq u leeyihiin inay guursadaan oo qoys abuuraan. Way u siman yihiin xaqa ku saabsan guriga, muddada xiriirka guurka socdo iyo marka uu xiriirkaas dhammaanayo.
76
772. Guur wuxuu dhici karaa oo keli ah marka la helo rabitaan buuxa oo xor ah ee labada doonaysa inay is-guursadaan.
78
793. Qoysku waa unugga saldhigga u ah bulshada, wuxuuna xaq u leeyahay in Dawladda iyo mujtamacu bad baadiyaan.
80Qod XVII
81
821. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu keli ahaan xoolo yeesho ama cid kale xoolo kula shirkoobo.
83
842. Qofka xoolahiisa si sharci darro ah loogama qaadi karo.
85Qod XVIII
86
87Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xorriyadda xagga fikradda, wacyiga iyo diinta; wuxuu kale uu qofka xaq u leeyahay inuu beddelan karo diinta iyo wax alle wuxuu aaminsanyahay. Waxa kale uu qofku xaq u leeyahay inuu, keli ahaan ama isaga oo dad kale wehliyaan, soo bandhigo meel fagaara ah ama meel gaar ah, diintiisa ama waxa uu aaminsan yahay, kuna muujinayo xagga waxbarid, ku dhaqanka, caabudid iyo cibaadaysi.
88Qod XIX
89
90Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xornimo xagga ra'yiga iyo hadalka; wuxuu kale xaq u leeyahay inaan lagu fara gelin ra'yigiisa iyo inuu raadsado, helo, dhiibo warar iyo fikrado isaga oo isticmaalaya qalab kasta oo war baahin ah iyaga oo aan loo fiirin ama xayirin wax soohdima ah.
91Qod XX
92
931. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xornimo uu uga qayb galo isu-tag iyo urur leh ulajeeddo nabad-gelyo.
94
952. Qofna laguma khasbi karo inuu ka mid noqdo urur.
96Qod XXI
97
981. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ka qayb galo maamulka Dalkiisa si toos ah ama isagoo si xornimo ah u dooranaya cid wakiil ka ah.
99
1002. Dadka oo dhami way u simanyihiin inay ka qayb galaan maamulka sare ee dalka ka jira.
101
1023. Rabitaanka dadweynuhu waa saldhigga awoodda Dawladda; rabitaankaas waxaa lagu muujinyaa dooroshooyin run ah oo xilliyo joogta ah dhacaya, laga wada qayb-galaya, waxayna u dhacayaan si qarsoodi ah ama hab kale oo wax lagu doorto oo xor ah.
103Qod XXII
104
105Qof kastaa, maadaama uu xubin ka yahay bulshada, uu xaq u leeyahay inuu helo daryeel caafimaad. Daryeelkaas oo qof waliba u fududaynaya xuquuq dhaqaale, mujtamac iyo mid aqooneed ee lagama maarmaanka u ah qofka sharaftiisa, xornimadiisa iyo koritaanka qofnimadiisa. Taasoo ku imaanaysa dadaalka gudaha iyo iskaashiga caalamiga, isagoo laga eegayo nidaamka iyo ilaha dhaqaale ee Dawlad kasta.
106Qod XXIII
107
1081. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu shaqo helo, inuu u madax bannaanaado doorashada shaqada uu qabanayo, in sharuuduhu shaqada ahaadaan kuwo caddaalad ku fadhiya, isagana u danaynaya iyo inaysan shaqo la'aan ku dhicin.
109
1102. Qof kastaa, iyadoon dadka la kala soocin, wuxuu xaq u leeyahay inuu helo mushaar la mid ah kan uu qaato qof kale oo ay isku shaqa qabtaan.
111
1123. Qofka shaaqeeyaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo mushaar wax taro, kuna filan si uu ugu noolaado isaga iyo qoyskiisuba. Loona kabo haddii loo baahdo daryeellada kale.
113
1144. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu abuuro urur ama ku biiro kuwo jiray si uu u ilaaliyo danihiisa.
115Qod XXIV
116
117Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay nasasho oo ay ku jirto waqti kooban oo macquul ah oo laga jaro saacadaha shaqada iyo xilliyo fasax oo uu mushaar u socdo.
118Qod XXV
119
1201. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu gaaro heer nololeed oo waxtar u ah caafimaadka iyo ladnaanta naftiisa iyo qoyskiisa; ha ugu horeeyaan cuntada, dharka, hoyga, daryeel caafimaad iyo wax alle wixii adeeg bulshadeed oo lagama maarmaan ah; wuxuu kale uu xaq u leeyahay inuu helo daryeel markii ay ku timaada shaqo la'aan, cudur, curyaanimo, geeri, gabow ama dhibaatooyinka kale uusan la shaqaysan kari ka baxsan awoodiisa.
121
1222. Hooyada umusha iyo dhalaanku waxay xaq u leeyihiin xannaano iyo gacan siin gaar ah. Caruurta oo idil, ha ku dhashaan ama yaanay ku dhalan meher, waxay xaq u leeyihiin xannaana isku mid ah.
123Qod XXVI
124
1251. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo wax-barasho. Waxbarashadu waa lacag la'aan, ugu yaraan heerka dugsiyada hoose iyo heerka aasaasiga ah. Waxbarashada dugsiyada hoose waa khasab. Waxbarashada farsamo iyo midda xirfadeed waa inay noqdaan kuwo la helo; tacliinta sare sidoo kale waa inay u furnaataa dadka oo dhan, iyada oo la tix-gelinayo qof la arko mudnaantiisa.
126
1272. Waxbarashadu waa inay ahaato mid loola jeedo in lagu kobciyo shakhsiyadda qofka xoojinta dhowritaanka xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka asaasiga ah. Wax-barashadu waa inay ahaato mid wax ka tarta is-af-garadka isu-dulqaadka iyo saaxibtinimada ka dhexaysa qowmiyaadka ama dadka kala jinsiga iyo diinta ah, waana inay si adkayso hawlaha Qaramada Midoobay ee la xiriira sugidda nabad-gelyada.
128
1293. Waalidka ayaa iska leh xaqa koobaad oo ah inay doortaan nooca waxbarashada la siinayo caruurtooda.
130Qod XXVII
131
1321. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu si madax bannaan uga qayb qaato hiddaha nololeed ee bulshada, inuu ka faa'idaysto farshaxanka, inuu ka qayb galo, horumarinta cilmiga iyo ka faa'idaysigiisa.
133
1342. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la daafoco danihiisa maadiga iyo macnawiga ha ee ka dhasha waxa uu isagu curiyay xagga cilmi suugaanta iyo farshaxanka.
135Qod XXVIII
136
137Qof kastaa wuxuu xaq u leeyaday inuu helo nidaam bulsho iyo hab caalami ah oo xuquuqda iyo xorriyaadka lagu tilmaamay Baaqan si buuxda loogu dhaqan gelin karo.
138Qod XXIX
139
1401. Qof kasta waxaa ka saaran bulshadiisa waajibaad; bulshadu waa meesha qura oo ay suurtowdo in qofku shakhsiyadiisu si madax bannaan oo buuxda ay ugu kobocdo.
141
1422. Marka uu qofku gudanayo xuquuqdiisa iyo xorriyaadkiisa waxaa xiraya oo qura inta sharcigu ka reebay, iyadoo ula jeedadu tahay oo keliya aqoonsiga iyo dhowritaanka xuquuqda iyo xorriyaadka dadka kale in la dhowro iyo sidoo kale anshaxa, nabad-gelyada guud iyo wanaagga guud ee mujtamaca diimaqaraadiga ah.
143
1443. Xuquuqda iyo xorriyaadka kor ku xusan looma isticmaali karo si ka soo horjeeda ulajeedooyinka iyo mabaadiida Qaramada Midoobay.
145Qod XXX
146
147Baaqan kuma jiraan wax loo fasiri karo in micnahoodu yahay in Dawlad, koox ama qof xaq u leeyahay inuu ku kaco fal ama falal loola jeedo in lagu burburiyo xuquuqda ama xorriyaadka lagu qoray Baaqan.