Lines Matching refs:la

7 Iyadoo aqoonsi la'aanta iyo ku tumashada xuquuqda aadanuhu ay ka dhasheen falal waxashtinimo ah oo shucuurta aadanuhu ka danqato iyo iyadoo gaaritaanka duni aadanaha ku nooli haystaan xornimo ay ku cabbiraan fikradahooda iyo waxay aaminsan yihiin iyo iyagoon qabin cabsi iyo baahi, laguna dhawaaqay inay tahay ujeedada ugu weyn ee uu dadku leeyahay.
13 Iyadoo dadyowga dunidu ay ku caddeeyeen mar kale Dastuurka Qaramada Midoobay sida ay u aaminsan yihiin sharafta iyo qiimaha qofka aadamiga ah iyo sinnaata xuquuqda ragga iyo dumarka iyagoo goostay inay hore u mariyaan bulshada heerka, noloshoodane la wanaajiyo iyagoo ku nool xornimo ballaaran.
15 Iyadoo Dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay dhexdooda iska ballan qaadeen iyagoo la kaashanaya Hayadaha caalamiga ah sare u qaadidda dhowritaanka iyo xushmaynta xuquuda aadanaha iyo xorriyadda aasaasiga ah.
17 Iyaadoo helitoanka aragti midaysan ee la xiriirta xuquuqdan iyo xorriyaadkan ay tahay arrin qiima weyn ku fadhisa si loo fuliyo ballan qaadkan.
22 Aadanaha dhammaantiis wuxuu dhashaa isagoo xor ah kana siman xagga sharafta iyo xuquuqada Waxaa Alle (Ilaah) siiyay aqoon iyo wacyi, waana in qof la arkaa qofka kale ula dhaqmaa si walaaltinimo ah.
40 Dadka oo dhammi way u simanyihiin sharciga waxayna xaq u leeyihiin, iyaga oo aan la kala soocin, in sharcigu dhowro. Dadka oo dhammi waxay xaq u leeyihiin in si siman looga badbaadiyo wax alla wixii kala sooc-sooc ah oo ka soo horjeeda Baaqan ama dhiirigelni kara kala sooc-soocid.
49 Qof Kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo sinnaan buuxda Maxkamad Caadil ah horteed marka la gaynayo xuquuqdiisa iyo waajibaadkiisa iyo marka ay dhacdo in loo haysto dacwo ciqaab ah.
54 2. Qofna lama saari karo ciqaab ka dhalatay fal ama fal l'aan haddii falkaasi ama fal la'aantaasi xagga sharciga Dalka ama kan Caalamiga ah, aanay ahayn dembi waqtiga la galay. Sidoo kale dembilaha lama saari karo ciqaab ka adag tii u degsanayd falka dembigaas markii la galay.
67 2. Xaqa kor ku xusan laguma doodi karo haddii cadaadisku yahay mid dhab ahaan ka dhashay dembi aan siyaaso la xiriirin ama falal ka soo horjeeda ulajeedooyinka iyo mabaadiida Qaramada Midoobay.
77 2. Guur wuxuu dhici karaa oo keli ah marka la helo rabitaan buuxa oo xor ah ee labada doonaysa inay is-guursadaan.
108 1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu shaqo helo, inuu u madax bannaanaado doorashada shaqada uu qabanayo, in sharuuduhu shaqada ahaadaan kuwo caddaalad ku fadhiya, isagana u danaynaya iyo inaysan shaqo la'aan ku dhicin.
110 2. Qof kastaa, iyadoon dadka la kala soocin, wuxuu xaq u leeyahay inuu helo mushaar la mid ah kan uu qaato qof kale oo ay isku shaqa qabtaan.
120 1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu gaaro heer nololeed oo waxtar u ah caafimaadka iyo ladnaanta naftiisa iyo qoyskiisa; ha ugu horeeyaan cuntada, dharka, hoyga, daryeel caafimaad iyo wax alle wixii adeeg bulshadeed oo lagama maarmaan ah; wuxuu kale uu xaq u leeyahay inuu helo daryeel markii ay ku timaada shaqo la'aan, cudur, curyaanimo, geeri, gabow ama dhibaatooyinka kale uusan la shaqaysan kari ka baxsan awoodiisa.
125 1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo wax-barasho. Waxbarashadu waa lacag la'aan, ugu yaraan heerka dugsiyada hoose iyo heerka aasaasiga ah. Waxbarashada dugsiyada hoose waa khasab. Waxbarashada farsamo iyo midda xirfadeed waa inay noqdaan kuwo la helo; tacliinta sare sidoo kale waa inay u furnaataa dadka oo dhan, iyada oo la tix-gelinayo qof la arko mudnaantiisa.
127 2. Waxbarashadu waa inay ahaato mid loola jeedo in lagu kobciyo shakhsiyadda qofka xoojinta dhowritaanka xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka asaasiga ah. Wax-barashadu waa inay ahaato mid wax ka tarta is-af-garadka isu-dulqaadka iyo saaxibtinimada ka dhexaysa qowmiyaadka ama dadka kala jinsiga iyo diinta ah, waana inay si adkayso hawlaha Qaramada Midoobay ee la xiriira sugidda nabad-gelyada.
129 3. Waalidka ayaa iska leh xaqa koobaad oo ah inay doortaan nooca waxbarashada la siinayo caruurtooda.
134 2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la daafoco danihiisa maadiga iyo macnawiga ha ee ka dhasha waxa uu isagu curiyay xagga cilmi suugaanta iyo farshaxanka.
142 2. Marka uu qofku gudanayo xuquuqdiisa iyo xorriyaadkiisa waxaa xiraya oo qura inta sharcigu ka reebay, iyadoo ula jeedadu tahay oo keliya aqoonsiga iyo dhowritaanka xuquuqda iyo xorriyaadka dadka kale in la dhowro iyo sidoo kale anshaxa, nabad-gelyada guud iyo wanaagga guud ee mujtamaca diimaqaraadiga ah.