Lines Matching refs:ku

5 Iyadoo aqoonsiga sharafta uu ku dhashay iyo xuquuqda maguurtada ah ee ay u siman-yihiin dadweynaha adduunku uu yahay saldhigga xorriyada, caddaaladda iyo nabadda dunida.
7 Iyadoo aqoonsi la'aanta iyo ku tumashada xuquuqda aadanuhu ay ka dhasheen falal waxashtinimo ah oo shucuurta aadanuhu ka danqato iyo iyadoo gaaritaanka duni aadanaha ku nooli haystaan xornimo ay ku cabbiraan fikradahooda iyo waxay aaminsan yihiin iyo iyagoon qabin cabsi iyo baahi, laguna dhawaaqay inay tahay ujeedada ugu weyn ee uu dadku leeyahay.
13 Iyadoo dadyowga dunidu ay ku caddeeyeen mar kale Dastuurka Qaramada Midoobay sida ay u aaminsan yihiin sharafta iyo qiimaha qofka aadamiga ah iyo sinnaata xuquuqda ragga iyo dumarka iyagoo goostay inay hore u mariyaan bulshada heerka, noloshoodane la wanaajiyo iyagoo ku nool xornimo ballaaran.
17 Iyaadoo helitoanka aragti midaysan ee la xiriirta xuquuqdan iyo xorriyaadkan ay tahay arrin qiima weyn ku fadhisa si loo fuliyo ballan qaadkan.
19 Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay wuxuu soo saarayaa Baaqan oo saldhig u ah dadyowga dunida ku nool dhammaantood sidii qof waliba ama xubin kasta oo ka mid ah bulshada, isagoo maskaxda ku haya Baaqan, ugu dadaali lahaa sare u qaadidda dhowritanka xuquuqdan iyo xorriyaadkan, isagoo u mareya waxbarasho iyo barbaarin, talaabooyin xiriir ah qaadaya xagga dibadda iyo gudahaba sidii loo xaqiijin lahaa in si dhab ah loo aqoonsado ha ahaato dadweynaha ku dhex nool Dawladaha xubinta ka ah Qaramada Midoobay ama dadyowga ku nool dhulalka xukonkooda hoos yimaado.
25 Qof kastaa wuxuu leeyahay xuquuqda lagu tilmaamay Baaqan iyada oo aan loo kale soocin xag qabiil, midabka, dheddig ama lab, afka, diinta, siyaasadda ama fikrad kale, dhalasho ama meesha uu ka soo askumay, xoolaha, dhalasho ama xaalada kale. Waxaa kale oo aan lagu samayneyn kala soocid ku salaysan arrimaha siyaasadeed, xukun ama xaal caalami ee uu ku suganyahay, dhulka ama dalka uu qofka u dhashay, ha ahaado dalkaasi mid madax bannaan, mid weli dawlad kale maamusho (wisaaya) mid aan haysan xukun hoosaad ama aan haysan gobanima buuxda.
31 Ma jiro qof loo hoysan karo addoon, addoonsiga iyo ka ganacsiga addoonta way reebanyihiin cayn kasta ay ku yimaadaan.
43 Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu helo Maxkamadaha ku hawsha leh ee dalkiisa cawin celin dhab ah marka lagu xad-gudbo xuquuqda asaasiga ah oo uu dastuurka ama sharciga siiyay.
52 1. Qof kasta oo lagu soo oogay dacwo ciqaab ah wuxuu xaq u leeyahay in loo ictiqaado inuu yahay dembi laawe ilaa laga caddeeyo inuu yahay dembiile sida uu qabo sharcigu, ayna ku dhawaaqdo Maxkamad dadka u furun oo eedeysanayaasha loo oggolaaday dammaanadaha lagama maarmaanka u ah difaacooda.
62 2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ka dhoofo dal kasta oo uu ku jiro kiisa, kuna soo laabto.
67 2. Xaqa kor ku xusan laguma doodi karo haddii cadaadisku yahay mid dhab ahaan ka dhashay dembi aan siyaaso la xiriirin ama falal ka soo horjeeda ulajeedooyinka iyo mabaadiida Qaramada Midoobay.
75 1. Ragga iyo dumarka qaan gaarka ah, iyaga oo aan loo kala soocin xagga dhalashada, qowmiyada ama diinta, waxay xaq u leeyihiin inay guursadaan oo qoys abuuraan. Way u siman yihiin xaqa ku saabsan guriga, muddada xiriirka guurka socdo iyo marka uu xiriirkaas dhammaanayo.
87 Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xorriyadda xagga fikradda, wacyiga iyo diinta; wuxuu kale uu qofka xaq u leeyahay inuu beddelan karo diinta iyo wax alle wuxuu aaminsanyahay. Waxa kale uu qofku xaq u leeyahay inuu, keli ahaan ama isaga oo dad kale wehliyaan, soo bandhigo meel fagaara ah ama meel gaar ah, diintiisa ama waxa uu aaminsan yahay, kuna muujinayo xagga waxbarid, ku dhaqanka, caabudid iyo cibaadaysi.
105 Qof kastaa, maadaama uu xubin ka yahay bulshada, uu xaq u leeyahay inuu helo daryeel caafimaad. Daryeelkaas oo qof waliba u fududaynaya xuquuq dhaqaale, mujtamac iyo mid aqooneed ee lagama maarmaanka u ah qofka sharaftiisa, xornimadiisa iyo koritaanka qofnimadiisa. Taasoo ku imaanaysa dadaalka gudaha iyo iskaashiga caalamiga, isagoo laga eegayo nidaamka iyo ilaha dhaqaale ee Dawlad kasta.
108 1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu shaqo helo, inuu u madax bannaanaado doorashada shaqada uu qabanayo, in sharuuduhu shaqada ahaadaan kuwo caddaalad ku fadhiya, isagana u danaynaya iyo inaysan shaqo la'aan ku dhicin.
114 4. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu abuuro urur ama ku biiro kuwo jiray si uu u ilaaliyo danihiisa.
117 Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay nasasho oo ay ku jirto waqti kooban oo macquul ah oo laga jaro saacadaha shaqada iyo xilliyo fasax oo uu mushaar u socdo.
120 1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu gaaro heer nololeed oo waxtar u ah caafimaadka iyo ladnaanta naftiisa iyo qoyskiisa; ha ugu horeeyaan cuntada, dharka, hoyga, daryeel caafimaad iyo wax alle wixii adeeg bulshadeed oo lagama maarmaan ah; wuxuu kale uu xaq u leeyahay inuu helo daryeel markii ay ku timaada shaqo la'aan, cudur, curyaanimo, geeri, gabow ama dhibaatooyinka kale uusan la shaqaysan kari ka baxsan awoodiisa.
122 2. Hooyada umusha iyo dhalaanku waxay xaq u leeyihiin xannaano iyo gacan siin gaar ah. Caruurta oo idil, ha ku dhashaan ama yaanay ku dhalan meher, waxay xaq u leeyihiin xannaana isku mid ah.
144 3. Xuquuqda iyo xorriyaadka kor ku xusan looma isticmaali karo si ka soo horjeeda ulajeedooyinka iyo mabaadiida Qaramada Midoobay.
147 Baaqan kuma jiraan wax loo fasiri karo in micnahoodu yahay in Dawlad, koox ama qof xaq u leeyahay inuu ku kaco fal ama falal loola jeedo in lagu burburiyo xuquuqda ama xorriyaadka lagu qoray Baaqan