Lines Matching refs:ka

7 Iyadoo aqoonsi la'aanta iyo ku tumashada xuquuqda aadanuhu ay ka dhasheen falal waxashtinimo ah oo shucuurta aadanuhu ka danqato iyo iyadoo gaaritaanka duni aadanaha ku nooli haystaan xornimo ay ku cabbiraan fikradahooda iyo waxay aaminsan yihiin iyo iyagoon qabin cabsi iyo baahi, laguna dhawaaqay inay tahay ujeedada ugu weyn ee uu dadku leeyahay.
11 Iyadoo ay tahay lagama maarmaan in sare loo qaado horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Dowladaha.
15 Iyadoo Dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay dhexdooda iska ballan qaadeen iyagoo la kaashanaya Hayadaha caalamiga ah sare u qaadidda dhowritaanka iyo xushmaynta xuquuda aadanaha iyo xorriyadda aasaasiga ah.
19 Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay wuxuu soo saarayaa Baaqan oo saldhig u ah dadyowga dunida ku nool dhammaantood sidii qof waliba ama xubin kasta oo ka mid ah bulshada, isagoo maskaxda ku haya Baaqan, ugu dadaali lahaa sare u qaadidda dhowritanka xuquuqdan iyo xorriyaadkan, isagoo u mareya waxbarasho iyo barbaarin, talaabooyin xiriir ah qaadaya xagga dibadda iyo gudahaba sidii loo xaqiijin lahaa in si dhab ah loo aqoonsado ha ahaato dadweynaha ku dhex nool Dawladaha xubinta ka ah Qaramada Midoobay ama dadyowga ku nool dhulalka xukonkooda hoos yimaado.
25 Qof kastaa wuxuu leeyahay xuquuqda lagu tilmaamay Baaqan iyada oo aan loo kale soocin xag qabiil, midabka, dheddig ama lab, afka, diinta, siyaasadda ama fikrad kale, dhalasho ama meesha uu ka soo askumay, xoolaha, dhalasho ama xaalada kale. Waxaa kale oo aan lagu samayneyn kala soocid ku salaysan arrimaha siyaasadeed, xukun ama xaal caalami ee uu ku suganyahay, dhulka ama dalka uu qofka u dhashay, ha ahaado dalkaasi mid madax bannaan, mid weli dawlad kale maamusho (wisaaya) mid aan haysan xukun hoosaad ama aan haysan gobanima buuxda.
31 Ma jiro qof loo hoysan karo addoon, addoonsiga iyo ka ganacsiga addoonta way reebanyihiin cayn kasta ay ku yimaadaan.
34 Ma jiro qof loo geysan karo silic dilyo ama ciqaab ka baxsan aadaninimada.
40 Dadka oo dhammi way u simanyihiin sharciga waxayna xaq u leeyihiin, iyaga oo aan la kala soocin, in sharcigu dhowro. Dadka oo dhammi waxay xaq u leeyihiin in si siman looga badbaadiyo wax alla wixii kala sooc-sooc ah oo ka soo horjeeda Baaqan ama dhiirigelni kara kala sooc-soocid.
54 2. Qofna lama saari karo ciqaab ka dhalatay fal ama fal l'aan haddii falkaasi ama fal la'aantaasi xagga sharciga Dalka ama kan Caalamiga ah, aanay ahayn dembi waqtiga la galay. Sidoo kale dembilaha lama saari karo ciqaab ka adag tii u degsanayd falka dembigaas markii la galay.
57 Qofna si sharci darro ah looma faragelin karo arrimihiisa u gaarka ah, qoyskiisa, gurigiisa ama warqadihiisa; sidoo kale lama dhaawici karo sharaftiisa ama sumcaddiisa. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu sharciga ka hoos galo fara gelintaas iyo dhaawicidaas.
62 2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ka dhoofo dal kasta oo uu ku jiro kiisa, kuna soo laabto.
65 1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu dal kale u raadsado kana helo magan gelyo siyaasadeed isagoo ka baxsanayo cadaadis.
67 2. Xaqa kor ku xusan laguma doodi karo haddii cadaadisku yahay mid dhab ahaan ka dhashay dembi aan siyaaso la xiriirin ama falal ka soo horjeeda ulajeedooyinka iyo mabaadiida Qaramada Midoobay.
95 2. Qofna laguma khasbi karo inuu ka mid noqdo urur.
98 1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ka qayb galo maamulka Dalkiisa si toos ah ama isagoo si xornimo ah u dooranaya cid wakiil ka ah.
100 2. Dadka oo dhami way u simanyihiin inay ka qayb galaan maamulka sare ee dalka ka jira.
105 Qof kastaa, maadaama uu xubin ka yahay bulshada, uu xaq u leeyahay inuu helo daryeel caafimaad. Daryeelkaas oo qof waliba u fududaynaya xuquuq dhaqaale, mujtamac iyo mid aqooneed ee lagama maarmaanka u ah qofka sharaftiisa, xornimadiisa iyo koritaanka qofnimadiisa. Taasoo ku imaanaysa dadaalka gudaha iyo iskaashiga caalamiga, isagoo laga eegayo nidaamka iyo ilaha dhaqaale ee Dawlad kasta.
120 1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu gaaro heer nololeed oo waxtar u ah caafimaadka iyo ladnaanta naftiisa iyo qoyskiisa; ha ugu horeeyaan cuntada, dharka, hoyga, daryeel caafimaad iyo wax alle wixii adeeg bulshadeed oo lagama maarmaan ah; wuxuu kale uu xaq u leeyahay inuu helo daryeel markii ay ku timaada shaqo la'aan, cudur, curyaanimo, geeri, gabow ama dhibaatooyinka kale uusan la shaqaysan kari ka baxsan awoodiisa.
127 2. Waxbarashadu waa inay ahaato mid loola jeedo in lagu kobciyo shakhsiyadda qofka xoojinta dhowritaanka xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka asaasiga ah. Wax-barashadu waa inay ahaato mid wax ka tarta is-af-garadka isu-dulqaadka iyo saaxibtinimada ka dhexaysa qowmiyaadka ama dadka kala jinsiga iyo diinta ah, waana inay si adkayso hawlaha Qaramada Midoobay ee la xiriira sugidda nabad-gelyada.
132 1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu si madax bannaan uga qayb qaato hiddaha nololeed ee bulshada, inuu ka faa'idaysto farshaxanka, inuu ka qayb galo, horumarinta cilmiga iyo ka faa'idaysigiisa.
134 2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la daafoco danihiisa maadiga iyo macnawiga ha ee ka dhasha waxa uu isagu curiyay xagga cilmi suugaanta iyo farshaxanka.
140 1. Qof kasta waxaa ka saaran bulshadiisa waajibaad; bulshadu waa meesha qura oo ay suurtowdo in qofku shakhsiyadiisu si madax bannaan oo buuxda ay ugu kobocdo.
142 2. Marka uu qofku gudanayo xuquuqdiisa iyo xorriyaadkiisa waxaa xiraya oo qura inta sharcigu ka reebay, iyadoo ula jeedadu tahay oo keliya aqoonsiga iyo dhowritaanka xuquuqda iyo xorriyaadka dadka kale in la dhowro iyo sidoo kale anshaxa, nabad-gelyada guud iyo wanaagga guud ee mujtamaca diimaqaraadiga ah.
144 3. Xuquuqda iyo xorriyaadka kor ku xusan looma isticmaali karo si ka soo horjeeda ulajeedooyinka iyo mabaadiida Qaramada Midoobay.