Lines Matching refs:in

9 Iyadoo ay tahay lagama maarmaan in xuquuqda aadanuhu ay noqdaan kuwo sharcigu dhowro, si uusan qofku, ugu dambeynta, ugu baahan inuu xoog kaga soo horjeesto cadaadiska.
11 Iyadoo ay tahay lagama maarmaan in sare loo qaado horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Dowladaha.
19 Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay wuxuu soo saarayaa Baaqan oo saldhig u ah dadyowga dunida ku nool dhammaantood sidii qof waliba ama xubin kasta oo ka mid ah bulshada, isagoo maskaxda ku haya Baaqan, ugu dadaali lahaa sare u qaadidda dhowritanka xuquuqdan iyo xorriyaadkan, isagoo u mareya waxbarasho iyo barbaarin, talaabooyin xiriir ah qaadaya xagga dibadda iyo gudahaba sidii loo xaqiijin lahaa in si dhab ah loo aqoonsado ha ahaato dadweynaha ku dhex nool Dawladaha xubinta ka ah Qaramada Midoobay ama dadyowga ku nool dhulalka xukonkooda hoos yimaado.
22 Aadanaha dhammaantiis wuxuu dhashaa isagoo xor ah kana siman xagga sharafta iyo xuquuqada Waxaa Alle (Ilaah) siiyay aqoon iyo wacyi, waana in qof la arkaa qofka kale ula dhaqmaa si walaaltinimo ah.
37 Qof kastaa wuxuu xaq u laayahay in loo aqoonsado, meel kasta oo uu Joogo, qofnimadiisa.
40 Dadka oo dhammi way u simanyihiin sharciga waxayna xaq u leeyihiin, iyaga oo aan la kala soocin, in sharcigu dhowro. Dadka oo dhammi waxay xaq u leeyihiin in si siman looga badbaadiyo wax alla wixii kala sooc-sooc ah oo ka soo horjeeda Baaqan ama dhiirigelni kara kala sooc-soocid.
49 Qof Kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo sinnaan buuxda Maxkamad Caadil ah horteed marka la gaynayo xuquuqdiisa iyo waajibaadkiisa iyo marka ay dhacdo in loo haysto dacwo ciqaab ah.
52 1. Qof kasta oo lagu soo oogay dacwo ciqaab ah wuxuu xaq u leeyahay in loo ictiqaado inuu yahay dembi laawe ilaa laga caddeeyo inuu yahay dembiile sida uu qabo sharcigu, ayna ku dhawaaqdo Maxkamad dadka u furun oo eedeysanayaasha loo oggolaaday dammaanadaha lagama maarmaanka u ah difaacooda.
79 3. Qoysku waa unugga saldhigga u ah bulshada, wuxuuna xaq u leeyahay in Dawladda iyo mujtamacu bad baadiyaan.
108 1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu shaqo helo, inuu u madax bannaanaado doorashada shaqada uu qabanayo, in sharuuduhu shaqada ahaadaan kuwo caddaalad ku fadhiya, isagana u danaynaya iyo inaysan shaqo la'aan ku dhicin.
127 2. Waxbarashadu waa inay ahaato mid loola jeedo in lagu kobciyo shakhsiyadda qofka xoojinta dhowritaanka xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka asaasiga ah. Wax-barashadu waa inay ahaato mid wax ka tarta is-af-garadka isu-dulqaadka iyo saaxibtinimada ka dhexaysa qowmiyaadka ama dadka kala jinsiga iyo diinta ah, waana inay si adkayso hawlaha Qaramada Midoobay ee la xiriira sugidda nabad-gelyada.
134 2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la daafoco danihiisa maadiga iyo macnawiga ha ee ka dhasha waxa uu isagu curiyay xagga cilmi suugaanta iyo farshaxanka.
140 1. Qof kasta waxaa ka saaran bulshadiisa waajibaad; bulshadu waa meesha qura oo ay suurtowdo in qofku shakhsiyadiisu si madax bannaan oo buuxda ay ugu kobocdo.
142 2. Marka uu qofku gudanayo xuquuqdiisa iyo xorriyaadkiisa waxaa xiraya oo qura inta sharcigu ka reebay, iyadoo ula jeedadu tahay oo keliya aqoonsiga iyo dhowritaanka xuquuqda iyo xorriyaadka dadka kale in la dhowro iyo sidoo kale anshaxa, nabad-gelyada guud iyo wanaagga guud ee mujtamaca diimaqaraadiga ah.
147 Baaqan kuma jiraan wax loo fasiri karo in micnahoodu yahay in Dawlad, koox ama qof xaq u leeyahay inuu ku kaco fal ama falal loola jeedo in lagu burburiyo xuquuqda ama xorriyaadka lagu qoray Baaqan