Lines Matching refs:ee

5 Iyadoo aqoonsiga sharafta uu ku dhashay iyo xuquuqda maguurtada ah ee ay u siman-yihiin dadweynaha adduunku uu yahay saldhigga xorriyada, caddaaladda iyo nabadda dunida.
7 Iyadoo aqoonsi la'aanta iyo ku tumashada xuquuqda aadanuhu ay ka dhasheen falal waxashtinimo ah oo shucuurta aadanuhu ka danqato iyo iyadoo gaaritaanka duni aadanaha ku nooli haystaan xornimo ay ku cabbiraan fikradahooda iyo waxay aaminsan yihiin iyo iyagoon qabin cabsi iyo baahi, laguna dhawaaqay inay tahay ujeedada ugu weyn ee uu dadku leeyahay.
11 Iyadoo ay tahay lagama maarmaan in sare loo qaado horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Dowladaha.
17 Iyaadoo helitoanka aragti midaysan ee la xiriirta xuquuqdan iyo xorriyaadkan ay tahay arrin qiima weyn ku fadhisa si loo fuliyo ballan qaadkan.
19 Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay wuxuu soo saarayaa Baaqan oo saldhig u ah dadyowga dunida ku nool dhammaantood sidii qof waliba ama xubin kasta oo ka mid ah bulshada, isagoo maskaxda ku haya Baaqan, ugu dadaali lahaa sare u qaadidda dhowritanka xuquuqdan iyo xorriyaadkan, isagoo u mareya waxbarasho iyo barbaarin, talaabooyin xiriir ah qaadaya xagga dibadda iyo gudahaba sidii loo xaqiijin lahaa in si dhab ah loo aqoonsado ha ahaato dadweynaha ku dhex nool Dawladaha xubinta ka ah Qaramada Midoobay ama dadyowga ku nool dhulalka xukonkooda hoos yimaado.
25 Qof kastaa wuxuu leeyahay xuquuqda lagu tilmaamay Baaqan iyada oo aan loo kale soocin xag qabiil, midabka, dheddig ama lab, afka, diinta, siyaasadda ama fikrad kale, dhalasho ama meesha uu ka soo askumay, xoolaha, dhalasho ama xaalada kale. Waxaa kale oo aan lagu samayneyn kala soocid ku salaysan arrimaha siyaasadeed, xukun ama xaal caalami ee uu ku suganyahay, dhulka ama dalka uu qofka u dhashay, ha ahaado dalkaasi mid madax bannaan, mid weli dawlad kale maamusho (wisaaya) mid aan haysan xukun hoosaad ama aan haysan gobanima buuxda.
43 Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu helo Maxkamadaha ku hawsha leh ee dalkiisa cawin celin dhab ah marka lagu xad-gudbo xuquuqda asaasiga ah oo uu dastuurka ama sharciga siiyay.
77 2. Guur wuxuu dhici karaa oo keli ah marka la helo rabitaan buuxa oo xor ah ee labada doonaysa inay is-guursadaan.
100 2. Dadka oo dhami way u simanyihiin inay ka qayb galaan maamulka sare ee dalka ka jira.
105 Qof kastaa, maadaama uu xubin ka yahay bulshada, uu xaq u leeyahay inuu helo daryeel caafimaad. Daryeelkaas oo qof waliba u fududaynaya xuquuq dhaqaale, mujtamac iyo mid aqooneed ee lagama maarmaanka u ah qofka sharaftiisa, xornimadiisa iyo koritaanka qofnimadiisa. Taasoo ku imaanaysa dadaalka gudaha iyo iskaashiga caalamiga, isagoo laga eegayo nidaamka iyo ilaha dhaqaale ee Dawlad kasta.
127 2. Waxbarashadu waa inay ahaato mid loola jeedo in lagu kobciyo shakhsiyadda qofka xoojinta dhowritaanka xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka asaasiga ah. Wax-barashadu waa inay ahaato mid wax ka tarta is-af-garadka isu-dulqaadka iyo saaxibtinimada ka dhexaysa qowmiyaadka ama dadka kala jinsiga iyo diinta ah, waana inay si adkayso hawlaha Qaramada Midoobay ee la xiriira sugidda nabad-gelyada.
132 1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu si madax bannaan uga qayb qaato hiddaha nololeed ee bulshada, inuu ka faa'idaysto farshaxanka, inuu ka qayb galo, horumarinta cilmiga iyo ka faa'idaysigiisa.
134 2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la daafoco danihiisa maadiga iyo macnawiga ha ee ka dhasha waxa uu isagu curiyay xagga cilmi suugaanta iyo farshaxanka.
142 2. Marka uu qofku gudanayo xuquuqdiisa iyo xorriyaadkiisa waxaa xiraya oo qura inta sharcigu ka reebay, iyadoo ula jeedadu tahay oo keliya aqoonsiga iyo dhowritaanka xuquuqda iyo xorriyaadka dadka kale in la dhowro iyo sidoo kale anshaxa, nabad-gelyada guud iyo wanaagga guud ee mujtamaca diimaqaraadiga ah.